U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Faray Ciidamada K/galbeed Iney Furaan Waddooyinka u Xiran Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidamada maamulkiisa looga baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku faraan waddooyinka xiran ee deegaannada K/galbeed.

Wuxuu sheegay Shariif Xasan in Al-shabaab ay diideen in loo gurmado shacabka abaarta ku hayso gobollada K/galbeed, islaamarkaana waxa hadda loo baahan yahay tahay in la furo waddooyinka xiran, lalana dagaallamo Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Kooxahan nabad diidka oo diidday in shacabka abaareysan loo gargaaro ayaa la doonayaa in loo fekero habka waddooyinka loo furi karo iyo sida shacabka isku dhexmari karaan, abaar wey jiri jirtay balse dhibaatada waa nabad diiddka waddooyinka xirtay, waxaan rabnaa in dedaal badan lagu bixiyo sidii loola dagaallami lahaa Al-shabaab” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhanka kale, madaxweyne Shariif oo ka hadlay barakacayaal dhowaan soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka warqabi doono dadkaasi, islamarkaana uu isha ku hayn doono sida ay dadku kaalmada ku helaan iyo in la dejiyo meello munaasab ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa go’doomisay deegaanno badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool, waxayna xireen waddooyin badan oo aadayey degmooyinkaasi.

Goobjoog News