U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Ku Wajahan Degmada Diinsoor Oo Dhawaan Lagala Wareegay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa socod ku maraya qaar ka mid ah degmooyinka iyo deegaanada gobalka Baay, isaga oo arrimo badan u kuur galaya.

Shariif Xasan waxa uu maanta ku wajahan yahay degmada Diinsoor ee gobalka Baay, iyadoo dhawaan degmadaasi ay Al-shabaab kala wareegeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Uljeedka halkaasi uu u tagayo ayaa lagu sheegay in ay ka mid tahay sidii uu u ogaan lahaa xaaladda guud iyo amniga degmadaasi, sidoo kalena uu halkaasi kula hadlo shacab degmada.

Shariif Xasan ayaa la kulmi doona saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka, waxaana socda diyaar garowga lagu soo dhaweynayo.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa tagi doona degmada Qansaxdheere ee isla gobalka Baay, halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta iyo shacabka degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News