U bood dhigaalka

Shariif Xasan oo sheegay inuu ka shaqeyn doono dib u hesheesiinta shacabka dega Seddax gobal ee uu maamulo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ShariifkaMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay ka shaqeynta dib u heshiisiinta shacabka wada dega gobalada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Shariif Xasan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muhiimadda ugu horeysa ee markii uu soo dhameystiro maamulkiisa uu noqonayo ay tahay sidii lagu heli lahaa bulsho heshiis ah, islamarkaana gacmaha is qabsada.

“Waxaan aad u rajeyneyna in Sedaxda gobal dadka dega ay wada gaaraan heshiis, si shacabka Koonfur Galbeed gacmaha isku qabsadaan, waxaana ugu baaqayaa dhamaan shacabka degan Sedaxda gobal in ay kaalin ka qaataan dib u heshiisiinta”

Shariif Xasan ayaa wada hadalo la bilaabay xubno ka mid ah maamulka Lixda gobal ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow Maxamed, qaarkoodna waxay gaareen is faham.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News