U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Soo Dhameystiraya Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ShariifMadaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta la filayaa in uu soo dhameystiro xubnahii ka haray wasiirada maamulkaasi.

Madaxtooyada magaalada Baydhaba waxaa haatan ka soconaya qaban qaabadii ugu dambeysay sida uu inoo soo sheegayo wariyaha Goobjoog ee magaalada Baydhaba.

Waxaa halkaasi ku qul qulaya siyaasiin iyo sidoo kale Odayaashii doortay Shariif Xasan, waxaana la sugayaa oo kaliya dhameystirka wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxeynaha Koonfur Galbeed waxa uu horay usoo magacaabay ilaa Afar ka mid ah wasiirada maamulkiisa, hase ahaatee xubnaha dhiman ayuu qorshaha yahay saacadaha soo aadan in la magacaabo, iyadoo sidoo kale xusid mudan tahay in heshiis ay wada gaareen siyaasiintii sheeganaya maamulka Lixda gobal.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News