U bood dhigaalka

Shariif Xasan “Waxaan ku Baaqayaa In Hadda La Joojiyo Dagaalada Shabeelada Hoose”

Sheeko:Dalka

Shariif Xasan ShekhMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo maanta ka hadlayay shirk u saabsan dagaalo beeleedyo dib oga qarxay gobolka Shabeelada Hoose ayaa codsaday in dagaalada loo joojiyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wuxuu sheegey in labada dhinac ay u jeediyeen in dagaalada la joojiyo, kana yeeleen xabad joojintaasi, isaga oo nasiib daro ku tilmaamay in ay dagaalada dib u biloowdeen.

“Dadka waa dagaalamaan, hadane waa la heshiiyaa, ma ahan in dagaalkii dabada lasii hayo” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xildhibaanada labada beelood ku amaanay dadaalka ay u galeen abaabulista shirka nabadeynta.

Guddi nabadeynta ah oo la saarey ayuu ka codsaday in ay durba soo sheegaan madasha shirka nabadaynta beelaha iyo goorta la qabanayo.

Dadkii madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdikariim Xuseen Guuleed oo horey u ahaa wasiirka amniga qaranka, ahna la taliyaha madaxweynaha, wuxuuna sheegey in dagaalada laga haboonyahay maadaamaa dadka ay walaalo yihiin.

“Aniga oo ku hadlaya magaca xafiiska madaxweynaha waxaan balanqaadeynaa in aan taageero kasta la garab taaganahay wax alaale wixii lagu xalin karo colaadaha” ayuu yiri Cabdixariim.

Wuxuu rajeeyey in Shariif Xasan uu xal u heli doono dagaalada ka taagan Shabeelada Hoose maadaamaa uu yahay nin Shariif ah oo Bareykaysan, sida uu ku kaftamay.

Dhanka kale Shariif Xasan ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu baaqay in ay furaan wadooyinka xiran iyo magaalooyinka go’doonka.

“deegaanada qaarkood waxbo lama gaarsiin karo, gaar ahaan Bakool, xitaa gaari dameeradii raashiinka loogu geyn jirey , dameerihii ayaa la dilayaa” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhageyso Shariif Xasan

Dhageyso Cabdikariim Guuleed

Goobjoog News