U bood dhigaalka

Shariif Xassan oo Isfaham La Gaaray Qaar Ka Mid Ah Madaxda Lixda Gobol (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shariif XasanMadaxweynaha dhawaan loo doortey maamulka Koonfur Galbeed ee sedexda gobol Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka lixda gobol Cumar Aadan Xassan (Cumar Dheere).

Kulanka kadib oo labada nin ay shir jaraa’id qabteen ayuu Cumar Dheere sheegey in uu aqbalay wadahadalkii uu dhawaan ku baaqay Shariif Xassan, wuxuuna intaasi ku daray in markii hore ay la dhacsanaayeen fikrada lixda gobol, balse maadaamaa ay shaqayn weysey, tan sedexda gobolna ay shaqaysay aysan jirin wax hor istaagayo in ay wadahadal la furaan Shariif Xassan.

Shariif Xassan ayaa dhankiisa ka mahadceliyey wadahadalka furmey, isaga oo xubnaha uu la kulmey ku amaanay dhiiranaantooda.

“Anaga oo dhan nabad ayaa na deeqeysa, haddii nabad la helo anaga oo dhan wax ayaan heleynaa, waad ogtihiin Baydhabo 20km lagama bixi karo amni daro awgeed” ayuu yiri Shariif Xassan oo sidoo kale soo hadal qaaday in maamulka Jubba la aqoonsaday, iyagana ay talo iyo tusaale ku lahaayeen.

 

Dhageyso

Goobjoog News