U bood dhigaalka

Shariif Xassan oo la xaqiijiyey in uu Baydhabo joogo, mana jirto in uu aaday Copenhagen

Sheeko:Dalka

Sharif XasanGoobjoog News ayaa xaqiijisey in Shariif Xassan Sheekh Aadan uu ku suganyahay magaalada Baydhabo oo maanta loogu doortey madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa jirey warar ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegayay in Shariif Xassan uu aaday magaalada Copenhagen si uu oga qeybgalo shirka halkaasi ka dhacaya ee Hiigsiga Cusub, isaga oo la sheegey in uu matalayo maamulkiisa cusub.

Shariif Xassan ayaa waxaa maanta Baydhabo ku doortey ergo gaareysa 373, iyada oo musharixiintaa la tartantay ay u tanaasuleen Shariif Xassan.

Goobjoog News