U bood dhigaalka

Sheekada Madaxmed Kadawe Oo Ku Naafoobay Dagaalladii Magaalada Muqdisho Oo Sheegay In Dowladdu Illowday Doorkiisii

Sheeko:Amniga

Sheekada dareenka leh ee Mohamed Abdi Guure oo loo garan ogyahay Maxamed Kadawe, waxay ka mid ahayd sheekooyinka aan so toobiyo kuwii iigu saameynta badnaa.

Sannadkii 2012-kii ayuu ku dhaawacmay xoreyntii Xero Maslax xilligaa oo uu ahaa askari Qaranka Soomaaliyed u shaqaynayay. Waxa uu ka tirsanaa guutada koowaad ee ciidanka xoogga dalka. Dhaawacu waxa uu ka soo gaaray dhabarka oo firir ka galay uu sababay in uu istaagi kari waayo, muddadaasna uu kursiga maciin bido….. Codkiisa. Kursiga iyo 4-ta derbi

2007-dii ayuu ku biiray ciidanka xoogga dalka, amniga maanta ka jira Muqdisho waxa uu ka mid ahaa dadkii keenay ee habeeno u soo jeeday, waxaa dhibaatadu ay soo gaartay isaga oo dalkiisa iyo dadkiisa u adeegaya, balse doorkeedii ma qaadan dowladdii uu u shaqynayay markii duruufaha adag la soo derseen, hadda waxaa uu dalbanayaa in ay ka so falceliyan bahidiisa cid kast oo sheekdaan ay gaarto. (Dalab caawinaad

Cabdquaadir Kadawe waa da’da ka yar Maxamed, waqtigiisa ugu badan isaga ayuu siiyaa si aanu cidlo u dareemin. Waxaa uu sheegay in ay u tagaan Taliye kasta o la magacaabo balse aanay jirin cid cabashadooda ka soo jawaabta….

Maxamed waxaa uu Nin han iyo hammi fog leh, nasiibka ayaa ka hiiliyay, manata dadka ayuu doorbiday kaalmasooda. Erayada dareenka leh ee igu yiri waxaa ka mid ahaa Lacag ma tacban oo anigoo 20 jir ah ayaan cuuriyaan noqday. Ehel iyo dad i kaalmeeyana ma helin. Derbiyadan ayaan u dhexeeya muddo, waxaamse aaminsanhay in ay jiraan dad i caawin doona.

Sheekada Madaxmed Kadawe oo ku naafoobay dagaalladii magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan cidna ka jawaabin codsiyadiisa.

Ku caawi wixii aad awooddo;
Hormuud: 061 5301764
Slaam Bank 32005805

Hoos ka daawo Sheekada Madaxmed Kadawe oo ku naafoobay dagaalladii magaalada Muqdisho