U bood dhigaalka

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Oo Goobjoog News Ugu Hambalyeeyay Waxqabkeeda Mudadii Ay Jirtay

Sheeko:Dalka

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa Idaacadda Goobjoog ugu Hambalyeeyay Sanad Guuradii Sedaxaad Markii Idaacadda Hawada Soo gashay.

Sheekha oo hadal ka jeediyay Munaasabadda loogu dabaal degayo Sanad guurada Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin qiimo badan, maadaama ay dabaal degayso Idaacadda Goobjoog oo shacabka wax u qabatay.

“Idaacadda Goobjoog waxa aynu leenahay howsha aad shacabka u haysaan halkiina kasii wada, waxaan hubaa in Idaacadda ay wax badan u qabatay shacabka, sida Gurmad iyo Gargaar” ayuu yiri Sheekha.

Ugu dambeyn Sheekh Bashiir ayaa ugu baaqay guud ahaan bahda saxaafadda in ay u adeegaan shacabkooda, iskana ilaaliyaan wararka dalka u keeni kara burburka.

Idaacadda Goobjoog ayaa maanta u dabaal degaysa Sanad guuradii Sedaxaad markii Idaacadda ay hawada kusoo biirtay.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha