U bood dhigaalka

Sheekh Bashiir Maxamed Salaad: Madaxda dowladda khilaafka dhexdooda ha dhameeyaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Maxamed Salaad ayaa ugu baaqay madaxda dowladda gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed in si shuruud la’aan ah ay ku xaliyaan khilaafka dhexdooda ah.

Sheekh Bashiir oo u waramayay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in khilaafkaan hadda jira uu yahay mid howrseed u noqon kara habacsanaan ku timaada dhamaan howlihii ay haysay dowladda Soomaaliya, sidoo kalena noqon kara mid ay ka faa’ideystaan dadka cadowga ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ka hay’ad ahaan ayuu sheegay in ay aad u daneenayaan sidii lagu xalin lahaa khiulaafkaan, si dib aysan dowladda ugu noqon, oo ay u noqon lahayd mid wax u qabata shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa jira khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, kaa oo soo ifbaxay wixii ka dambeeyay isku shaandheyntii golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News