U bood dhigaalka

Sheekh Cabdiraxmaan oo Dowladda Jabuuti Ku eedeeyay Tacaddi Ka Dhan Ah Aadanaha

Sheeko:Amniga

Sheekh Cabdiraxmaan oo ah aqoonyahan ka mid ah culumada dalka Jabuuti oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay xaaladaha qasan ee ka taagan dalka Jabuuti isaga oo sheegay in tacaddi ka dhan ah aadana uu ka jira dalkaasi waxaana sidoo kale uu ka hadlay dibaxyadii ka dhashay dhibaatadii uu xabsiga ka soo dhex duubay Fu’aad Yuusuf Cali oo ka tirsanaan jiray ciidamada cirka jabuuti.

Aqoonyahan Sheekh Cabdirasmaan ayaa sheegay in dalka Jabuuti ay ka jirto caburrin siyaasadeed mid ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo mid warbaahineed waxa uuna xusay in Jabuuti meelaha ugu hoseeyo ay uga jitrto dhinacaas iyo xorriyatul qawlka.

“Jabuuti waxaa ka jira 4 dhibaato oo calculus waxaa ka jira caburrin siyaasadeed oo dadka afka lahayo waxaa ka jira mid warbaahin waxaa ka jira xadugudb dhinaca xaquuqda bani’aadamka ah oo qofkasta oo hadla waa la xiraa, waxaa kaloo ka jira in la isku xiro risiqa qofka iyo noloshiisa qof hadduu mucaarad noqdo waa la gaajeysiiyaa”

Sidoo kale aqoonyahanka ayaa carabka ku dhaftay in dalka Jabuuti ay ka jirto nolol aad u xun isaga oo ku sababeeyay in heerka shaqalaanta dalkaasi ay mareyso halkii ugu sareysay waxa uuna intaas ku daray in kobaca dhaqaalaha ee Jabuuti uu yahay mid fadhiyo.

“Dhinaca dhaqaalaha 80% dadku waa shaqa la’aan 60% dadku waxa ay ka hooseeyaan qadka gaajada dhinaca bulshadana dadku waa ay qeybsanyihiin si qabiil ah ayaa loo qeybiyaa dagaal qabyaaladeed baa la sameeyaa dadka waxaa laga dhigaa dad aan isku ahmiyad ahayn taas ayaa Jabuuti ka tirta” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Cabdiraxmaan.

Dhanka kale Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo hadal qaaday dibadbaxyada ka aloolsanaa todobaadyadii la soo dhaafay kuwaas oo ay dhigayeen dad careysan waxa uuna sheegay in isku soo baxyadaasi ay salka ku hayaan xarigga iyo tacaddi uu sheegay in loo geystay Fu’aad Yuusuf oo ahaa duuliye ka tirsanaa dowladda Jabuuti isa oo dhinaca kale tilmaamay in dibadbaxyadaas ay sidoo kale ka dambeeyaan dhibaatada loo geysto aqoonyahanada dalkaasi u dhashay.

“Waa labo arrimood ariinta dambe waxa ay tahay waxaa jira nin askari ah oo magaciisu yahay Fu’aad Yuusuf oo ciidmada cirka ah ninkaas  dulmi ayuu lagu hayay muddo sanado ah cadaadiskii buu ka carooday warqad buu u qoray madaxweynaha iyo wasiirka difacaa waa la dhageysan waayay ka dibna waxa uu sheegay inuu ku biirayo mucaaradka waddanka xorreynaya xabsiga dhexe baa la geeyay jirdil badan ayaa loo geystay, waxaa kaloo Jabuuti ka jira dad fara badan oo aqoonyahan ah oo dalkooda laga eryay” ayuu yiri Aqoonyahan Sheekh Cabdiraxmaan.

Isaga oo sii hadlayay Sheekh Cabdiraxmaana ayuu sheegay in dhibaatooyinka Jabuuti ka dhaca loo geysto Soomaalida, Xanfarta iyo Carabta dalkaasi joogta waxa uuna yiri “Soomaali baa la dhibaa, Xanfar ba la dhibaa oo xabsiga ka buuxa waxaa la dhibaa carabta waa la dili gaaray”.

Sidoo kale waxa uu sheegay aqooyahankan ka soo jeeda Jabuuti in dibadbaxyadii ka dhacayay dalkaasi ay ahaayeen kuwa loo wada dhamaa islamarkaana aysan jirin dad si gaara howshaasi ugu jiray “Banaan baxyadan waa loo dhanyahay waa bannaanbaxyo ummaddu u dhantahay”.

Todobaadyadii la soo dhaafay xaalka dalka Jabuuti ayaa ahaa mid qasan ka dib markii dad ka carooday dhibaato loo geystay Fu’aad Yuusuf  Cali oo horey uga tirsanaa ciidamada cirka ay mudaharaadyo waa weyn ka dhigeen magaalooyin ugu muhiimsan dalkaasi.

Halkan ka daawo wareysiga oo dhameystiran.

Goobjoog News