U bood dhigaalka

Sheekh Maxamed Shaakir: Ciddi Aan Shabaab Aheyn Ee Nala Dagaasha Waxaan U Qaadaneynaa In Ay Afkaartooda Ay Ku Dagaalamayaan

Sheeko:Amniga

Hogaamiyaha Ahlu-sunna waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in dagaalka ka socda galmudug uu yahay dagaal ay kula dagaalamayaan Ururka Al-shabaab.

Sheekh Maxamed Shaakiir oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaanka ay yimideen sidii Al-shabaab ay kaga xoreyn lahaayeen deegaanka.

“Hadafka aan anaga ku socono oo aan horayna ugu socon jirnay waxa uu ahaa la dagaalanka argagixisada khawaarijta ah Al-shabaab, sidii deeganada looga xoreyn lahaa iyo Soomaaliyoo dhanwaana Iclaaminayo shirkii la isugu yimid markii siyaaradii shiikheenni weyna ee Sheekh Yuusuf ayaan ka Iclaaminay, in cadawga in la iska difaaco oo leyska celiyo loona midoobo u baahan ay tahay nimankaa Argagixisada ah oo u maddii halaagahaya halkaasana ka Iclaaminay”. ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay ciddii aan shabaab aheyn ee dagaal ku soo qaadda ay la dagaalami doonan in ay iyaga yihiinna ay u qaadan doonaan.

“Maadama aan dadkale dagaalkooda aanan u socon cidnakalana aan la dagaashaneyn oo aan la dagaashanahay cadawgaas ka soo horjeeda diinteennii wanaagsaneyd, marka hadda waxaan isleenahay ciddii ayagii oo barax la’aan aheyn oo nala dagaasha waaan u qaadaneyna Afkaartoodii in loosoo xambaariyay, oo afkaartoodii ay ku shaqeynayaan ” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

 

Hogaamiyaha Ahlu-sunna waljameeca ayaa sidoo kale waa uu sheegay in dalka oo ay muddo ka maqnaayeen ay dib ugu soo laabteen kadib markii shacabka Galmudu ay Al-shabaab ka cawdeen.

Deegaanadaanna annaga dhiic badan, maal badan iyo wax badan aan ku bixinay, shacabka jooga ayaana ah shacabkii horay isaga difaacay, horayna isaga xooreyay ah, ayagaa markii loo yimid oo shabaab u yimid oo dariiqyadi uu ka jaray ayeey na waceen oo na yiri deegaanki waa kan ma waadan ka naxeyn, war dadki waa kanaaye ma wayedan ka naxeyn, daneystayaal baa qabsaday oo dantooda kaliya raadsanahaya deegaanka iyo dadkaba dan ka laheyn ee ma wayedan ka naxeyn, shacabka wicitaankiisii iyo in aynu wax la qabano oo aynan wax ka qabsan inaga ayuu ahaa ujeedka imaatinkeenna,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Ugu dambeyn Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wada hadal walba oo xal looga gaarayo dagaalada deegaanka ka soo cusboonaaday.

“Wax walba wixii ka qaldan Galmudug in wada hadal lagu dhameeyo oo leysku yimaado oo aan wax lala cararin waa midda raadineyno waana ku baaqeyna, in wax la saxo waa muhiim”, ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Sheekh Maxamed Shaakir.

Goobjoog News