U bood dhigaalka

Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif Oo Bogaadiyay Barnaamijka Gurmad Iyo Gargaar

Sheeko:Dalka

Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif ayaa bogaadiyay barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, kaasi oo loogu gurmanayo Soomaalida ku dhibban wadanka Yemen, isaga oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Sheekha in ay wanaagsan tahay in dadka dhibban la caawiyo si loo helo Ajir badan iyo sidoo kale wanaag.

“Dadkaas walaalaha ah oo Soomaaliyeed waxaa loo bahan yahay in gurmad degdeg ah loo fidiyo, shacabka waxaa ka saaran mas’uuliyad weyn, gaar ahaan kuwa wax haysta” ayuu yiri Sheekha

Yemen waxaa ka soo laabanaya qoysas bada oo Soomaaliyeed, kuwaaso oo u badan haween iyo caeuur, mana haystaan hoy iyo wax ay cunaan.

Maanta waxaa magaalada Mukalla gaaray Markab weyn oo ka baxay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu soo daabuli doono Soomaalida ku dhibban Yemen.

Goobjoog News