U bood dhigaalka

Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif “Shacabka Kaalin Weyn Ayaa Kaga Aadan u Gurmashada Dadka Ku Dhiban Yemen”

Sheeko:Dalka

Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baraarujiyay shacabka in ay u gurmadaan walaalahooda ku dhiban dalka Yemen, islamarkaana dagaallada ay ku dul socdaan.

Waxa uu sheegay in arrintani ay kaalin ku leedahay bulshada qeybaheeda kala duwan si loo muujiyo taageerada loo fidinayo dadka dhibaateysan oo xiliyada qaar dadka muslimiinta ah waajib ku noqota.

Sheekha ayaa ku baaqay in Soomaalida ay is gargaarto si Alle uu ugu naxariisto waxaana uu sheegay in waqtigani loo baahan yahay in gacan walaalnimo loo fidiyo dadka qaxootiga ku ah dalka Yemen oo xaalad adag ku jira.

Yemen weli waxaa ka sii soconaya dagaallo iyo duqeymo saameyn ballaaran ku yeeshay qoysaskii Soomaaliyeed ee kolalkii horeba maciinbiday wadankaasi.

Goobjoog News