U bood dhigaalka

Sheekh Nuur Baaruud “AMISOM Dalka Uma Aysan Imaan In Shacabkeena Ay Layso”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha guddiga badbaadinta iyo samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa si kulul waxa uu uga hadlay fal shalay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Marka ay ku dileen dad shacab ah.

Sheekha ayaa sheegay in AMISOM dalka u timid nabad ilaalin balse aysan u imaan in dad shacab ah ay iska disho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay uga fadhiyaan in jawaab cad ay ka bixiso falkii dadka shacabka ahaa lagu dilay, waxaana uu sheegay ka culimo ahaan in arinkaasi ka xunyihiin.

“Magaalada Marka waxaa shalay lagu laayay dad Soomaali ah, dadkaasi waxaa loo laayay oo kaliya Shabaab wax tuuray, waxaa la rabaa in la doonto wixii wax qarxiyay laakiin ma ahan in shacab la xasuuqo, dowladda Soomaaliyeed jawaab baan uga fadhinaa, AMISOM waxay u timid dadka inay badbaadiso ee uma imaan in dadka ay xasuuqdo, marka diyaar uma nihin in shacabkeena la xasuuqo” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Marka waxaa maalintii shalay ahayd ay magaaladaasi ku dileen dad badan oo shacab ah, iyadoo sidoo kale uu jiro dad dhaawac culus uu soo gaaray.

Goobjoog News