U bood dhigaalka

Sheekh Nuur Baaruud “Dowladda Waxay Qaadatay Siyaasad Ah In Aan Xero Loo Oodin Soomaalida Ka Timid Yemen”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha guddiga badbaadinta iyo samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in xaalad adag ay ku sugan yihiin dadkii kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, ee dalka yimid, islamarkaana xilli walba ay dadkaasi soo wacaan.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in dadka Soomaaliyeed ee si adag naftooda looga soo badbaadiyay Yemen, ay u baahan yihiin gurmad, hase ahaatee aysan ka guddi ahaan awoodin.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay qaadatay go’aan ah in dadka dalka yimid aysan u oodin xerooyin qaxooti, maadaama ay yihiin muwaadiniin waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda waxay qaadatay siyaasad ah in aan xero loo oodin Soomaalida ka timid Yemen, waayo waxa ay dhahday waa muwaadiniin dalkooda kusoo laabtay” ayuu yiri sheekh Nuur Baaruud.

Gobalada dalka waxaa soo gaaray muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, hase ahaatee dadka yimid badankii waxa ay yihiin kuwo xaalad adag ay dalka ku hayso.

Goobjoog News