U bood dhigaalka

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

Sheeko:Amniga

Allaah u naxariiste waxaa xalay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa Culumada Soomaaliyeed .

Sheekha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu la xanuun sanayay feyriska Corona taas oo ugu danbeeyntii keentay in uu xalay ugu geeriyoodo Isbitaalka Martiini.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowladda iyo Midawga musharixiinta xubna ka tirsan ayaa tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaah U naxariisto Sheekh Nuur Baaruud Gurxan .

Hadaba  Sheekh Nuur Baaruud Gurxan  Kumuu Ahaa?

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxa uu sanadihii 1950-meeyadii ku dhashay deegan hoostaga gobalka Qorexeey ee DDS, isagoo waxbarashadiisi dugsiga Qur’aanka ku soo qaatay halkaas.

Sheekha waxa uu markii uu soo weynaaday bartay culumuudta diidta Islaamka, isaga oo muddo 30, ka badan ka mid ahaay Culumada Soomaaliyeed.

Sheekh Nuur waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Aas Aasayaashii Hay’adda Culimada Soomaaliyeed , isagoo hadda ahaa ku-xigeenka gudoomiyaha Hay’adda iyo Afhayeenka hay’adda .

Qaar ka mid ah mas’uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabatay dalka ayaa ka tacsiyadeyay geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Hogaamiyayaasha Maamul Gobaleedyada ayaa dhankooda ka tacsiyadeeyay geerida Sheekha, iyagoo alle uga baryey Sheekh Nuur Baaruud Gurxan in uu Janada ka waraabiyo.