Sheekh Nuur Baaruud “Haloo Gurmado Dadka Ay Abaartu Ku Hayso Puntland iyo Somaliland”

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in gurmad degdeg ah ay la gaaraan shacabka ay abaartu ku hayso deegaanno ka mid ah Puntland iyo Somaliland.

Waxa uu sheegay Sheekha in maanta loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan is jaceyl iyo sidoo kale Soomaalinimo, loona istaago u gurmadka dadka dhibban.

“Xilligaan oo kale xooluhu waa markii loo baahnaa, wey kuu badanayaan, sadaqada xoolo ma nusqaamiso, wey idiin badanayaan, haloo gurmado dadka ay abaartu ku hayso deegaannada Puntland iyo Somaliland” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in cid walbo oo wax haysta maanta ay mas’uuliyad ka saaran tahay in ay raashiin iyo biyo la gaaraan dadka gaajada darteed u dhimanaya.

Deegaanno badan oo ka mid ah Puntland iyo Somaliland waxaa xilligaan ka jirta abaar baahsan taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW