U bood dhigaalka

Sheekh Nuur Baaruud: Waxaan Bilaabi Donnaa Wejiga Saddexaad Ee Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Dalka

Guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa ka warbixiyey howlaha gargaarka ah ee ay ka wadaan guud ahaan dalka iyo sidoo kale xilligaan halka ay waxmarayaan.

Guddoomiyaha guddigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in guddi uu wado dedaallo badan oo dadka loogu gurmanayo.

Wuxuu sheegay in Labo jeer ay qarashaad siiyeen maamul goboleedyada, islamarkaana hadda ay isku diyaarinayaan wejigii Saddexaad ee gurmadka.

Sheekh Nuur ayaa sheegay in taasi ay u dheertahay howlaha kale ee degdegga ay ku bixiyaan sida markii loo soo sheego deegaan halis daran ay ka jirto ama meello u baahan in degdeg wax looga qabto.

“In kastoo abaarta ay inagu dheeraatay ayaa hadana dedaalka wuxuu marayaa meel wanaagsan, howshii waan wadnaa, gobolladana mar walbo waxbaan gaarsiinnaa iyo barakacayaasha tirada badan ee Xamar hareeraheeda deggan, annagu inta badan sidaan qorsheysannay maamul goboleedyada ayaan wax u dhiibnaa waana ku kormeernaa, Labo weji oo aan wax bixinnay waan kasoo gudubnay, waxaan isku diyaarineynaa wejigii Saddexaad, waxaa jira waxyaabo degdeg ah oo naloo soo sheego kumana xirno maamul goboleedyada, waxaan isku daynaa inaan degdeg uga jawaabno” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Dalka waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada, welina dadka ku nool deegaannada qaar ma aanay helin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News