U bood dhigaalka

Sheekh Shafiir: Xaaladda Amni Ee Dalka Waa Ay Sii Xumaanaysaa

Sheeko:Amniga

Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore dalka ayaa ka hadlay xaaadaha amniga iyo doorashooyinka dalka, kadib weerarradii dhowaan ka dhacay Muqdisho ee lagu qaaday garoonka Aadan Cadde iyo magaalada Baladweyne, kaas oo  sababay geerida 48 ruux oo ay ku jirta xidhibaan Aamino Maxamed iyo dhaawaca 109 ruux.

Waxuuna ku baaqay in la dedejiyo doorashooyinka dalka si amniga xal loogu helo sida uu hadalka u dhigay waxaana uu yiri “Xaaladda amniga dalka waa ay sii xumaanaysaa, waxaa muuqda dayac ay sameeyeen hey’adaha Amniga, waxaan aad uga xumahay weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne,waxaan ku baaqayaa in la dedajiyo doorashada si xal loogu helo dhibaatooyinka taagan, loona helo hoggaan mas’uuliyadda qaata”.

Sidoo kale isaga oo hadalkiisa sii wato uu baaq u diray hey’adaha amniga, waxaana hadalkiisi kamid ahaa ” Waxaa ay muujinaysaa sida amnigu uu u sii xumaanayo, xili la filaayo  in doorashooyinka ay qabsoomaan, waxaan leenahay hey’adaha amniga iyo ciddii mas’uuliyaddaas iska laheed in baaritaanno si dhab ah loo sameeyo, si mas’uuliyadda dadkii iska lahaa ay u qaataan, ama loo saaro, haddii sharci iyo kala dambeyn aysan jirin dowladnimadu ma hirgeli karto, ciddii ka gaabisay mas’uuliyaddaas ama ka gaabisay in loo helo cadaalad” 

Dhanka kale waxaa uu sheegay in marwaliba ay doorashadu dib u dhacdo ay abuurayso dhaqaalo xumo iyo amni darri” Markasta oo doorashooyinku sii dheeraadaan, waxaa ay abuuraysaa qalqal amni, waxaa ay abuuraysaa dhibaatooyin dhaqaale, waxaa ay abuuraysaa dhibaatooyin siyaasi ah, waxaan ognahay in dhowr mar jadwalka dib looga dhacay, waxaan ku adkaynaynaa dadka mas’uuliyaddaas qaatay in ay waqtiga dhowraan” ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxaa uu soo hadalqaaday doorashooyinka golaha shacabka, waxaana uu xusay in aysan u dhicin sidii la filaayey, waxaana hadalkiisa kamid ahaa” Waxaan ognahay doorashooyinkaan sidii la filaayey oo umadda Soomaaliyeed iyo Adduunku  malaynayeen in ay u dhacaan iyo sida ay u dhacdeen in ay aad u kala duwan tahay,ilaa iyo hadda doorashooyin lama dhihi karo, lakiin haddana annagu ma rabno inaan ku mashquulno wiil iyo gabar Soomaaliyeed ee xildhibaan noqday, laakiin waxa dhiman in la hagaajiyo, la qurxiyo oo mugdi laga ilaaliyo si wixii hore ay aqoonsi u helaan”

Goobjoog News