U bood dhigaalka

Sheekh Shariif “Ma Ogi Meel Kenya Loogu Saxiixay Badda Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah Musharrax Madaxweyne ayaa sheegay in aanu waxba ka ogeyn is fahamkii dowladdii KMG ahayd ay Kenya ugu saxiixday heshiiska is fahamka ee la xiriiray arrimaha badda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ka hadalka badda Soomaaliya iyo sida hadda loo dhigey ay u muuqato mid la siyaasadeynayo, balse wuxuu sheegay in wixii arrimahaasi ku aadan aanu isagu waxba ka ogeyn, balse ay ka jawaabeen Ra’iisul wasaarihii iyo wasiirkii xilligaa, haddii wanaag iyo xumaanna leedahayna ay iyaga un leeyihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Marka ugu horreysa waxaan soo qaadaneynaa maxay dowladda ku qaldantahay, is fahamkaa ma waxaa ku jira bad la iibiyey, mise bad la bixiyey, kuma jirto waxa oo dhan waa la siyaasadeeyay, baddaan oo hadda markii aan aniga imaaanayey soo baxayso oo dadka loo abaabulayo maxay tahay badda hadda un miyaa laqaadanaa, sheekadaasi waa siyaasad, Ra’iisul wasaarihii iyo wasiirkii xilligaa baa idiin jawaabay, anigane maba arkinba, warqad lagu saxiixay iyo meel lagu saxiixayna waxna kama ogi, haddii ay fiican tahay iyo haddii ay xuntahayba dadkaa baa leh”

Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday arrinta ku aadan maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, wuxuuna dowladda ugu baaqay in kahor dhismaha maamulkaasi wada hadal nabadeed loo furo dadka ku dhaqan gobolladaasi.

“Waxaan dhihi lahaa dowladda Fursad hasiiso dadka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, ha wada hadlaan, hab nabadeed markii ay ku heshiiyaan kadib haloo dhiso maamul inkastoo aan ogahay in waqtiga uu aad u yaryahay” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dowladda KMG ahayd ee uu hoggaaminayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu eedeeyaa in ay mas’uul ka tahay in Kenya ay sheegato qeyb kamid ah badda Soomaaaliya.

Goobjoog News