U bood dhigaalka

Sheikh Shariif Oo Beeniyay In Uu Ka Tanasulay Musharaxnimadiisa

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaar ka Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa beeniyay warar saacadihi la soo dhaafay baraha bulshada la hadal hayay oo sheegaya in uu isaga tanaasulay tartanka doorashada Madaxweynanimo ee dalka.

Sheikh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay aysan waxba ka jirin in uu ka harayo tartanka adag ee loogu jiro hogaaminta Dalka.

“Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa .
Sheikh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wararka sheegayo kulan ay yeesheen beesha Muddolood in leysla qaatay in la isku tanaasulo.
“Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar”, ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Goobjoog News