U bood dhigaalka

Sh/hoose: Ciidamada Dowladda Oo Ku Baxay Deegaanno Ay Mamulaan Al-shabaab Iyo Barakac Bilowday

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa saakay oo Sabti ah waxay ku jarmaadeen deegaanno ay gobolka Shabellaha Hoose ka maamulaan Xarakada Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan ay aadeen dhanka deegaannada kala ah Mareerey, Bariire, Janaale iyo deegaanno kale.

Goob joogayaal ku sugan deegaannada ay ciidankan aadeen ayaa soo sheegaya in shacabkii ku dhaqnaa deegaannadaasi ay bilaabeen barakac baahsan, iyaga oo ka baqaya in deegaannadooda lagu dagaallamo.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminaya howlgalkaan oo aynu xirir la sameynnay ayaa ka gaabsaday iney faah faahin ka bixiyaan ulajeedka ay ugu wajahan yihiin deegaannadan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News