U bood dhigaalka

Sh/hoose: Ciidamada Dowladda Oo Nabadoon Caan Ah Kala Baxay Gurigiisa

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay habeenkii xalay ahaa gurigiisa kala baxeen nabadoon caan ka ah degmadaasi.

Nabadoonka ayaa lagu magacaabaa Siidow Axmed Shinbirow, waxaana la sheegay in ciidankaan ay la aadeen dhanka garoonka Ballidoogle ee Shabellaha Hoose.

Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysay in ciidanka dowladda ay wataan nabadoonkan.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ehlada Nabadoonka ay wadaan dedaal ay kula xiriiriyaan maamulka gobolka Shabellaha Hoose iyo saraakiisha ciidanka ee gobolkaasi si loo ogaado sababta Nabadoonka loo kaxeystay.

Goobjoog News, ayaa isku dayday iney xiriir la sameyso saraakiisha ciidanka dowladda ee Shabellaha Hoose, gaar ahaan dhanka Wanlaweyn, hase ahaatee waa inoo suurtageli weysay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News