U bood dhigaalka

9 Qof Oo Lagu Diley Deegaanka Bariire Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka oo ay wehlinayaan kuwo Ajaaniib ah ay deegaanka Bariire ku dileen 9 qof, halka Labo kalena ay dhaawaceen.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Shabellaha Hoose , Cali Nuur Maxamed ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka dhintay ay yihiin shacab.

Waxa uu tilmaamay in ciidankaan ay saakay ay ku jarmaadeen dhul beeraley ah ayna dileen dadkaasi.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dhammaan dadka la diley la keeni doono xarunta CID ee magaalada Muqdisho, si baaritaanno loogu sameeyo.

Cali Nuur ayaa dhanka kale tilmaamay in maamulkooda aan lala soo socodsiin howlgalkaan ay sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maraykanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News