U bood dhigaalka

Shiikh Aadan Madoobe iyo Rooble oo U Dhaqaaqay Dudashada Xajka

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane  Shiikh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe u amba baxay dalka Sucuudi Carabiya halkaas oo maalmaha uu ku suganyahay ku soo qaadan doono gudashada acmaasha Xajka.
Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha oo ay ugu horeeyaan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah wasiirada xilgaarsiinta ayaa ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula dardaamay in dalka iyo dadka loo duceeyo si uu Allah uga samatabixiyo Abaarahan soo noqnoqday.
Guddoomiyaha oo ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laabta isku furaan si loo helo midnimo iyo wadajir, waxaana uu ku sugnaan doonaan Sucuudiga inta lagu jiro gudashada acmaasha Xajka, guddoomiyaha ayaa ka ambabaxay xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu safar shaqo ku maqan yahay.
Goobjoog News