U bood dhigaalka

Shiikh Maxamuud Cabdulle Cariif: Halaga qeyb qaato dhismaha goobaha lagu cibaadeysto

Sheeko:Dalka
Shiikh Maxamud Cabdalla  Cariif
Shiikh Maxamud Cabdalla Cariif

Mid ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ka ah dalka ayaa ugu yeeray Soomaalida ku nool dalka iyo dibada ka qayb qaadashada dib u dhiska goobaha cibaadada ee ku burburay dagaaladii ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Shiikh Maxamud Cabdulle Cariif ayaa maanta oo Aarbaca ah sheegay in dhismaha goobaha lagu cibadaysato ahmiyad ay u leedahay ummadda Soomaaliyeed.

Si gaar ah waxa uu u tilmaamay in hada lagu hawlan yahay dib u hagaajin lagu hayo Masjid qadiimi ah oo ku yaalla degmada Howl-wadaag kaas oo ku bur buray dagaallo ka socday magaalada.

Burburka ku yimid Masaajida iyo dugsiyada lagu barto culuumta diiniga ayaa qeyb ka ah burburka ku yimid qaar ka tirsan goobaha dadweynaha tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee dalka 1991-kii.