U bood dhigaalka

Shiikh Shaakir oo Ka Warbixiyey Safarka Madaxda Ahlusunna Ee Nairobi

Sheeko:Amniga

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku sugan qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Ahlusunna Waljamaca kuwaas ku sugnaa magaalada mudooyinkii dambe , waxaana ka mid ah madaxii hore xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan, waxaana uu faahfaahin uu  ka bixiyey u jeedkooda  magaalada Nairobi ay ugu sugan yihiin.

Sheekha oo wareysi siinayey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyey sababta ay u joogaan  magaalada Nairobi, waxaana uu intaas ku daray in u jeedkii ay u yimaadeen dalka Kenya uu u suurto galay ayna la kulmeen bulshada Soomaalida ah, beesha caalamka iyo saaxiibada daneeyo arriaha Soomaaliya sida uu yiri sheekh Shaakir.

” Waxaan u nimid inaan la kulanno bulshada qeybaheeda kala duwan maadaama Jaaliyad aad u balaaran ay degan tahay oo Soomaali ah iyo inaan la kulanno beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaliya intaba waa inoo qabsoomeen ”

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo hadal qaaday halkii uu ku dambeeyey heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka Soomaaliya kaas oo qismi looga siiyey Galmudug oo markii dambe gaaray gacan dagaal  labada dhinac ah.

“Dowladda heshiis  waa ay ku timid deegannada Galmudug in la dhiso maamul lawada leeyahay  oo Galmudug ka dhaxeeyo  imaanshiyihii ay ku timid iyo heshiiskii  lawada  sixiixay dowladda ayaa ka baxday oo Burburisay sida  dhabta ah ee marqaatiga leh dowladda iyada ayaa ka baxday waxaana ka dambeeyey u jeedooyin gaar ah ayuu  yiri ”

Mas’uuliyiinta ururka Ahlusunna ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee wadanka Kenya halkaas oo ay ka wadeen kulamo ay la lahaayeen beesha caalamka iyo saaxiibada daneeyo arrimaha Soomaaliya.

Goobjoog News