U bood dhigaalka

Shiinaha Oo Gargaar Bini’aadanimo Ugu Deeqay Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Dowladda Shiinaha ayaa sabtidii gargaar banii’aadamnimo u fidisay Soomaaliya iyada oo arrintaas wakiil uga ahaa safiirkeeda Muqdisho.

Deeqda ayaa la sheegayaa iney isugu jirtay teendhooyin, maryaha kaneecada iyo agab kale oo caafimaad oo guud ahaan ahaa 28-kunteenar oo u dhiganta in ka badan 40-kun Kg.

China on Saturday donated a batch of humanitarian assistance to Somalia amid flourishing bilateral ties.

Fei Shengchao, oo ah Ambassador-ka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Diiriye guddoonsiiyey 10,000 teendho, 50,000 oo ah maryaha kaneecada, 20,000 oo isugu jira qalabka gargaarka degdegga iyo agabka cabirka miisaanka caruurta, qalabka cabirka garaaca wadnaha iyo kulka.

“Cudurka waxaa uu saameeyey arrimaha banii’aadnimada, qaadista qalabka waxaa uu kor u kacay 15%” sida waxaa yiri Fei

Dhankeeda, wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Diiriye ayaa safiirka Shiinaha uga mahadcelisay sida dalkiisa ay mar walba u taageeraan Soomaaliya.
Goobjoog News