U bood dhigaalka

Shiinaha oo Hub Ka Dejinaya Muqdisho

Sheeko:Amniga

Markab hub sida oo ay ka yimid dalka Shiinaha ayaa haatan waxaa uu taaganyahay dekadda weyn ee Xamar.   Wafdi ka socdo dalka Shiinaha ayaa Khamiistii waxaa uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyaga oo kullamo aan la shaacin la galay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo qaar kale.

Dokomentiyo ay heshay Goobjoog News waxaa ku xusan shixnado  hub noocyadiisa kala duwan ah oo markab ku raran oo ku furtay dekadda weyn ee Muqdisho, lana dejinayo.

Liiska xogta waxaa ku jira hubka noocyadiisa kala duwan, gaadiid, qoryo, rasaas iyo saanad oo ay ku jiraan booyado iyo waxyaabo kale.

Imaanshiyaha hubka ayaa kusoo aadaya xilli kalaguur ah, doorashada ay dib u dhacday ku dhowaad hal sano iyo bar, keentana isku dhacyo ciidanka dhexdiisa ah iyo kala shakin madaxda sare, taas oo gaaray heer ay isku eedeeyaan afgambi.

Khubaro amni oo arrintan kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa ay qabaan in ay muhiim tahay in la ogaado cidda loo wado iyo xakameyntiisa,  iyaga oo shaki geliyey isticmaalkiisa.

Khubarada ayaa waxaa ay su’aal ka keenay sidoo kale sababta iyada oo dowladda Soomaaliya iyo ciidankeeda ay ku tiirsanyihiin miisaaniyadda galbeedka, bixiyaanna sanadkii ugu yaraan 2 bilyan oo doolar oo banii’aadnimo in ay Muqdisho hub ka keensato Beijing.

Ilaha qaar ayaa sheegaya in dhowaan hoggaanka Farmaajo uu damacsanyahay inuu soo celiyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Eretria, kuwaas oo shaki badan laga qabo in loo adeegsan doono doorashada 2022-ka.

Doorashada baarlamaanka federaalka ah ee mareysa heerka gebagabada ayaa waxaa qeyb ka ahaa hub culus iyo cabsigelin.

Musuqa iyo isaaminaad la’aanta doorashada ayaa waxaa ay keentay in dowladda Mareykanka ay cunaqabateyn kusoo rogto shakhsiyaad Soomaali ah.

Dhanka kale, dunida waxaa hadda ka jira siyaasad labo safle ah, oo u dhaxeysa dimoqoraadiyadda iyo keligiitalisyada, taas oo saameyn karta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Horay, Soomaaliya xilligii dagaalkii qaboobaa ee hardanku ka dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ayey heshiis militari la gashay Moskow, taasi oo sababtay in meesha ka baxdo dowladdii iyo dimoqaadiyadda curdinka aheyd, sababtay 21 sano oo keligii talis ah iyo 30 sano burbur ah.

Soomaaliya waxaa saaray cunaqabateyn hubka ah taasi uu kusoo rogay golaha ammaanka ee qaramada midoobey January 1992.

Goobjoog News