U bood dhigaalka

Shiinaha Oo Lagu Dilay Ardey

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan todobo ardey ayaa dhimatay, halka uu dhaawac soo gaaray 12 kale ka dib markii weerar Mindi loo adeegsaday  lagu qaaday ardeydaan oo ku sugnaa banaanka Iskuulka kaasi oo ku yaallo waqooyga Shiinaha.

Ardeydaan ayaa waxaa weeraray nin ku hubeysan Mindi xilli ay ka soo laabteen Iskuulka ayna u socdeen xaafadahooda, waxaa ayna dhiganayeen dugsi dhexe oo ku yaallo waqooyiga Shiinaha.

Ciidamada Booliska ayaa u suuro gashay in ay xiraan eedeysanaha,waxaana lagu magacaabaa Jaawu da’diisuna ay tahay 28 san jir waxa uuna ahaa ardey  Iskuulka dhigan jiray.

Booliska waxaa ay caddeeyeen in dadka dhintay ay ku jiraan shan gabdhood iyo labo caruur ah, iyada oo kuwa dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka.

Weeraro badan oo loo adeegsaday Mindiyo ayaa ka dhacay Shiinaha sanadihii ugu dambeeyay, kuwaasi oo keenay dhimashada 25 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 100 kale.

Goobjoog News