U bood dhigaalka

Shiinaha Oo Maraakiib Dagaal Iyo Ciidamo Dheeraad Ah Usoo Diraya Xeebaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in maraakiib iyo ciidamo badan oo dheeraad ah usoo dirayaan xeebaha Soomaaliya, si ay u xoojiyaan la dagaalanka waxa logu yeero burcad badeedda.

Geng Shuang oo ah af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha aya u sheegay warbahinta in dowladooda ay xoojin doonto dedaalka caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxaha burcad badeedda Soomaalida si loo yareyo weerarada ay geystaan.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in ciidamadooda ku sugan xeebaha Soomaaliya ay ka hortageen weeraro badan oo ay damacsanaayeen Buracadda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan ka hortagnay weeraro badan oo ay damacsanaayeen Burcad badeedda, waxaan xoojineynaa howlgalka caaalamiga ah e la dagaalanka burcad badedda si loo yareyo qataraha ay ku hayaan marakiibta” ayuu yiri Afhayeenka.

Burcad badeedda Soomaalida ayaa marar badan waxay qafaal u geysteen maraakiib kala duwan, waxaase jira dedaal la sheegay in lagu soo afjaro kooxahani, wallow illaa hadda ay burcad badeedda howlahooda ay si caadi ah u wadaan.

Goobjoog News