U bood dhigaalka

Shiinaha Oo Markab usoo Diray Biyaha Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Dowladda Shiinaha ayaa usoo dirtay biyaha Soomaaliya markabkiibta dagaalka kuwaas oo kamid ah maraakiibta ciidanka badda , sabtidii ayuu kasoo amba-baxay magaaladda dekedda leh ee Sanya ee koonfurta Shiinaha ee Gobolka Hainan, iyada oo kusoo socdo Gacanka Cadmeed iyo biyaha iyo biyaha Soomaaliya si ay u galbiyaan maraakiib rayid ah.

Maraakiibtu waxay ka kooban yihiin kuwa wax burburiya iyo nuuca gantaalaha rido, sidoo kale waxaa ku jiro kuwa sahayda keena ee Honghu. Maraakiibta dagaalka waxaa ay sideen 700 oo saraakiil iyo askar ah, oo ay ku jiraan daraasiin ka tirsan ciidamada howlgalka gaarka ah.

Maraakiibta Ciidanka badda ee lagu magacaabo PLA Navy ayaa la aas-aasay sanadkii April 23, 1949-kii, iyakoo qeyb ka ah ilaaliyaasha ganacsiga Shiinaha ee u kal goosha daafaha caalamka. Sidookale waxay kamid yihiin Ciidanka badda ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa bilaabay in ay howl-galo ka sameeyeen gacanka Cadmeed iyo biyaha Somaliya bishii Diseembar sanadkii 2008-dii.