U bood dhigaalka

Shil dhimasho sababay oo ka dhacay meel 45 KM u jirta Cadaado

Sheeko:War

Hal qof ayaa ku geeriyooday shan kalana way ku dhaawacmeen shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Cadaado.

Saraakiisha Isbitaalka oo ka hadlay dhaawacyadan waxa ay sheegeen in wadihii gaariga uu ku jiro xaalad khatar ah. Dhaqtar Axmed Cumar oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka Cadaado ayaa sheegay in ay la tacaalayaan  dhibanayaasha la kulmay shilkan.

Gaariga rogmaday ayaa ka soo ambabaxay magaalada Cadaado, waxa uuna  ku sii jeeday tuulo lagu magacaabo Sarmaan.

Gaariga ayaa ku gaddoomay meel 45 Kiiloo mitir u jirta Cadaado.