U bood dhigaalka

Shil Gaari Oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Shil gaari islamarkaana khasaare geystay ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Gaari yar oo ay la socdeen dhallinyaro ayaa ku rogmaday wadada marta deegaankan, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Saddex qof.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Labo ka mid ah dhallinyarada dhaawaca ah ay xaaladooda aad u liidato.

In gaariga uu rogmado ayaa loo sababeeyay kadib markii darwalka uu isaga oo si xowli ah u wado uu wadada lama filaan uga baxay.

Waddooyinka oo burbursan ayaa sii kordhinaya tirada shilalka ka dhaca deegaannada gobolka Mudug.

Goobjoog News