Shil Gaari Oo Ka Dhacay Gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in shil gaari uu ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Gaarigan weyn oo waday dhuxul ayaa la sheegay inuu ku rogmaday halkaasi, waxaana ku dhintey Labo qof oo gaarigaasi la socotay iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa loola soo cararay isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho oo lagu daweynayo.

Rogmashada gaarigan ayaa ka dambeysay wadada oo aad u burbursaneyd iyo gaarigan oo si xooggan ku socday.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW