U bood dhigaalka

Shil Gaari Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Ka Dhacay Magaalada Burco

Sheeko:Caafimaadka

Shil gaari oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa ka dhacay magaalada Burco ee gobalka Togdheer iyadoo qaabka shilkaasi u dhacay faah faahin dheeraad ah laga helayo.

Gaari yar oo ay saarnaayeen arday ayaa la sheegay inuu ku rogmaday bartamaha magaalada Burco waxaana la xaqiijiyay in halkaasi ay ku dhinteen 2 arday sidoo kalena ay dhaawac yihiin 5 kale.

Ardaydaan ayaa kasoo baxday Jaamacadda magaalada Burco, waxaana qaarkood soo gaaray dhaawac halis ah.

Dr Carabey oo ah agaasimaha Isbitaalka guud ee magaalada Burco ayaa u sheegay Saxaafadda in ardaydii geeriyootay markii Isbitaalka la geynayay ay ahaayeen kuwo aad u liita, islamarkaana madaxa uu kasoo gaaray dhaawacyo halis ah.

Sidoo kale mas’uuliyiinta gobalka Togdheer oo Isbitaalka Burco gaaray ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin shilkii dhacay iyo sidoo kale ardaydii geeriyootay, waxaana ay tilmaameen in laga taxadari doono shilal sidaan oo kale ah oo magaaladaasi ka dhaca.

Goobjoog News