U bood dhigaalka

Shil Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shil gaari ayaa saakay ka dhacay nawaaxiga Buundada dhanka degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gaari nooca raaxada ah oo kayimid dhanka ceelgaabta ayaa lagu soo waramayaa inuu jiiray Afar carruur ah, waxaa geeriyootey Labo ka mid ah caruurtan, iyadoo Labo kale ay dhaawacmeen.

Goobta waxaa ka baxsaday darawalkii g aarigaasi waday, waxaana la sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen dad kale oo gaariga la socday.

Waxaa socda baaritaanka shilkan oo ay wadaan saraakiisha ammaanka degmada Waaberi, iyadoo aanay jirin faah faahin intaan ka dheer.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News