U bood dhigaalka

Shil Khasaare Badan Sababay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Baydhaba

Sheeko:Caafimaadka

Shil gaari oo sababay geerida 1 qof iyo dhaawaca 15 kale ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Shilkaan ayaa ka dhacay Bartamaha magaalada Baydhaba, waxaana dhammaan dadka ku dhaawacmay yihiin shacab, iyadoo qofka dhintay ay ahayd Haweeney ganacsato ah..

Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa la geeyay dhammaan dadkii dhaawaca ahaa, iyadoo qaarkood lasoo sheegayo in xaaladooda ay liidato.

Shilkani ayaa yimid markii Gaari kuwa xamuulka qaada ah uu ku fariin goostay dad u badan ganacsato oo mehrado ku lahaa hareeraha laamiga mara bartamaha magaalada Baydhaba.

Wariyaha Goobjoog News Aadan Geesey ayaa soo sheegaya in hadda lala tacaalayo xaaladda dadka dhaawaca ah ee yaalla Isbitaalka magaalada Baydhaba, iyadoo marka laga soo tago dhaawaca halka shilka uu ka dhacay ay ka dhalatay khasaare hantiyeed.

Goobjoog News