U bood dhigaalka

Shil Khasaare Dhaliyey oo Ka Dhacay Somaliland

Sheeko:Amniga

Shir Gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa geystay khaasre isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo garay dad shacab ah oo saarnaa gawaarida shilka gashay, waxaana laga helayaa warar kale duwan shilka.

Waxaa uu dhacay kadib markii ay isku dhaceen gaari Booyad ah iyo gaari kale, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooda 5 ruux, halka tiro kale oo dad rakaab ah ay soo gaareen dhaawacyo kale duwan, kuwaas oo la dhigay isbitaalka magaalada Hargeysa.

Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Somaliland ayaa gaaray halka  uu shilka ka dhacay, sawirro laga soo qaaday goobta shilka uu ka dhacay ayaa muujinaya burburka mid kamid ah gaadiidka oo markii dambe uu ka kacay kaas oo burburiyay gaariga.

Goobjoog News