U bood dhigaalka

Shil Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo Khasaare geystay.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootay in ka badanna waa ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Toon ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa.

Gaariga Shilka galay ayaa ah nuuciisa Waaraad waxaa uuna siday dad iyo  raashin isla markaana sida la sheegay waxaa uu u socday deegaanka Sanqoolle ee xuduudka Somaliland iyo Itoobbiya balse uu halkaasi ku qallimay.

Goobjoog News