U bood dhigaalka

Shil Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Duleedka Jowhar

Sheeko:Dalka

Ilaa 10 qof ayaa ku dhaawacantay shir gaari oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe, sida ay kusoo waramayaan Goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaa ku daraya in 4 ka mid ah dhaawacyadaas ay halis yihiin, weli kama soo bixin warar intaa dhaafsan.

Wadooyinka gobolka ayaan la dayactirin muddo dheer, shilalkana waa kuwoo soo laablaabta.

Warar dheeraad ah kala soco. Goobjoog News