U bood dhigaalka

Shil Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

Warar ka duwan ayaa waxaa ay ka soo baxaayaan shil khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiro sababay oo ka dhacay Isgoyska Fagax ee magaalda Muqdisho.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu fariin goostay gaari nuuca iskarogaha ah kaas oo ka yimid dhanka Sanco, gaariga ayaa jiiray goobo gacansi oo ku yaallay isgoyska.

Waxaa inta la xaqiijiyey ku geeriyooday hal ruux halka uu dhaawac culus uu ka soo gaaray labo qof, kuwaas oo la geeyey midka mid ah isbitaalla Muqdisho.

Marka laga soo tago khasaaraha nafeed shilka ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay burbur hantiyeed, waxaana goobtaas ku dumar goobo ganacsi.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Fagax ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, waxaana ay qabteen wadihii Gaariga, iyaga oo geeyay saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid.

 

 

 Goobjoog News