U bood dhigaalka

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay buundada Ansalooti ee Muqdisho

Sheeko:War

Hal qof ayaa ku geeriyooday, mid kalena waa uu dhaawacmay kadib markii shil gaari uu maanta ka dhacay agagaarka buundada Ansalooti,degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo midkood uu ahaa nooca xamuulka qaada, halka midka kalena uu ahaa nooca yar yare ee raaxada. Qofka ku geeriyooday shilka ayaa ahayd qof dumar ah.

Ciidamada ilaalada nabad gelyada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ayaa soo gaaray goobta shilka uu ka dhacay wax yar kadib.

Goobjooge ku sugan halka uu shilku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta in mid ka mid ahaa darawallada labada gaari uu xakameyn waayay gaarigiisa oo ku socday xawaare aad u sareeya, taasoo sababtay inuu ku dhaco gaariga kale.

Saraakiisha ilaalada nabad gelyada wadooyinka ayaa kol hore sheegay in shilalka ugu badan ee baabuurta ay sabab u yihiin wadayaasha gawaarida oo si taxadar la’aan ah u wada gawaaridooda iyo darawallada oo aan haysan sharciga kaxeynta baabuurta.