U bood dhigaalka

Shil sababay dhimasho oo ka dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Hawlwadaag ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay degmada uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa ka dhacay isgoyska mareexaan ee degmada Hawlwadaag, waxaana ka dhashay dhimashada hal gabar oo la sheegay in ahayd arday, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay shilka in kabadan 8 ruux.

Shilka ayaa dhashay kadib markii ay isku dhaceen gawaari nuuca xamuulka, sidoo kalena halkaas uu khasaaro ka soo gaaray gawaari nooca raaxada ah.

Gabadha ku dhimatay shilka ayaa la socotay mooto Bajaaj, markaasna ay ka soo baxday jaamac ay dhiganeysay.

May be an image of 4 people and outdoors

Goobjoog News