U bood dhigaalka

Shil sababay geerida askar ka mid ah dowladda Federaalka oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Deegaanka Tareedishe ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay shil gaari kaa oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Shilkaan ayaa dhacay ka dib markii gaari uu la socday xildhibaan Cali Ganeey oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kaa oo ku socday si xowli ah uu ka baxay wadadii isaga oo sedax jeer rogmaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhintay Sedax ka mid ah ciidamadii xildhibaanka la socday iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Taliyaha Saadka ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed C/laahi Xasan Bariise oo ka mid ahaa saraakiishii la socotay xilidhibaankaan ayaa faah faahiyay sida ay wax u dhaceyn, isaga oo sheegay in dhanka Afooye ay ku socdeen.

Bariise ayaa xaqiijiyay geerida askartaan, waxaana uu sheegay in laga yaabo qasaaraha inuu intaasi ka bato hase ahaatee ay dib saxaafadda usiin doonaan faah faahino arinkaan ku aadan.

Halkaan ka dhageeyso Hadalka Bariise.

Goobjoog News