U bood dhigaalka

Shir Caalami Ah Oo Looga Hadlayo Horumarinta Dadka La Nool HIV Aids Oo Ka Socda Zimbabwe

Sheeko:Caafimaadka

Shir caalami ah oo looga hadlayo Horumarinta dadka la nool xanuunka HIV Aids-ka oo ay ka qeyb galayaan Soomaali xanuunkaas qaba ayaa ka socda magaalada Harare ee caasimada dalka Zimbabwe.

Shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto oo ay ka qeyb galaan dalal badan ayaa 29-kii bishii November waxa uu ka furmay dalka Zimbabwe kaas oo ay ka qeyb galeen dad la nool xanuunkaas iyo madax katirsan hay’adaha u ololeeya.

Shirkaan oo weli soconaya ayaa qodobada ugu waaweyn ee looga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii loo hormarin lahaa dadka xanuunka la nool, shaqooyin loogu abuuri lahaa, kuwa kale ee is qariyana loo wacyi gelin lahaa si ay daawooyinka u qaataan.

Dalalka shirka sanadkaan ka qeyb gelaya waxaa kamida Zimbabwe, Uganda, Ethiopia, Senegal, Burkina Faso, Kenya, Djibouti, Somalia iyo dalal kale oo badan, waxaana lagu wadaa in shirka lasoo gaba-gebeeyo maalinta Jimcaha ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beeegan tahay 4-ta bishan December

Maxamad Siciid oo kamida dadka shirka ka qeyb gelaya xanuunkaasna la nool  ahna madaxa la socodka iyo wacyi gelinta dadka dadka HIVga qaba  ee Soomaaliya ayaa Goobjoog u sheegay in shirkani uu muhiimad gaar ah leeyahay.

Waxa uu tilmaamay in isaga khudbaddii uu halkaasi ka jeediyay uu ku taliyay in dalka laga hirgeliyo xarumo badan oo caafimaad, gaar ahaan la socda dadka xanuunga HIV-AIDS qaba.

Goobjoog News