U bood dhigaalka

Shir Dhameystirka Hiigsiga oo Muqdisho Lagu Qabanayo Maalinta Bari

Sheeko:Dalka

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegey in 29-ka bisha July, oo ku aaddan maalinta bari ah kaasi oo looga hadlayo dhameystirka hiigsiga 2016-ka.

Shirkani oo ay ku balansanyihiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa la’iskula meeldhigayo go’aanada kama dambeysta ah ee sida laga yeelayo 2016-ka oo la filayo in dalka ay ka dhacdo doorasho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay kasoo laabtay magaalada Kismaayo halkaasi oo tababar usoo furey ciidan cusub oo kusoo biiraya xoogga dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah barnaamijka isku dhafka ciidamada qaranka, wuxuuna madaxweynaha halkaasi wadahadalo kula soo yeeshey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha kasoo qeybgalaya shirka.

Horey waxaa hubanti la’aan ka jirtaa in ay shirkani kasoo qeybgalaya an madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Haseyeeshee madaxweynaha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyaga oo diyaar u ah ka qeybgalka shirka.

Goobjoog News