U bood dhigaalka

Shir Dib u Heshiisiin Ah Oo Ka Furmay Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Degmada Bandiiradley ee gobalka Mudug waxaa ka furmay shir la sheegay in lagu heshiisinayo qaar ka mid ah beelaha Galmudug.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Odayaal dhaqameed kasoo jeeda degmada Bandiiradley, waxgarad iyo guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.

Gudoomiyaha gobalka Mudug ee Galmudug C/rashiid Xaashi Carte ayaa shirkaasi furay, waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sidii loo xallin lahaa wax walba oo ay kala tabanayaan beelaha Galmudug.

“Waxaan rajeynayaa in shirkani uu noqdo mid miro dhala, waana furan yahay, idinkana waxaan idiin ka rajeynaynaa inaad shirkaan ku gorfeysaan waxyaabo badan oo nabadda horseedi lahaa, is qabsiga dhulalka, daaqsinka, ceelsha iyo wixii la mid ah, annaga ka maamul ahaan diyaar baanu la nahay wax walba oo shirkaasi ku soconayo hadii ay ahaan lahayd farsamada, wax kasta oo nabadda ku saabsan waa in lasoo dhaweeyaa”

Maxmed Axmed Caalim oo ah gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, marna maamulkaasi madaxweyne kasoo noqday ayaa sheegay in shirkani uu qeyb ka yahay shirarka lagu doonayo in nabadda Galmudug looga shaqeeyo, la’iskuna keeno cid walba oo wax kala tabanaysa.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalaya shirkani ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, islamarkaana wada hadallada sidaan oo kale ah ay u arkaan mid lagu gaari karo nabad waarta oo ka dhalata gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News