U bood dhigaalka

Shir Dib u Heshiisiin Ah Oo Ka Furmay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa maanta ka furmay shir ballaaran oo dib u heshiisiin ah, kaasi oo si gaar ah loogu qabtay mid ka mid ah beelaha deggan Jubbaland.

Shirkaan waxaa daah furay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana sidoo kale ka qeybgalay mas’uuliyiin sar sare oo Jubbaland ka tirsan.

Ulajeedka shirkaan ayaa ah dib u heshiisiin iyo sidoo kale in Jubbaland ay xalliso wax walbo oo laga tabanayo gaar ahaan beello horay u diidanaa qaabkaa lagu dhisay Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waxgaradka iyo siyaasiyiinta shirsan ay natiijo wanaagsan kasoo saaraan gabagabada shirkooda.

Sidoo kale Madoobe ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la wada hadlo meeshana laga saaro khilaaf walba oo jira.

Waxa jiray xubno badan oo ka mid ah beeshan ku shiraysa magaalada Kismaayo in ay horay u dhaliilsanaayeen maamulka Jubbaland, hase ahaatee wada hadal badan kadib laga dhaadhiciyay in wax walbo oo ay tabanayaan lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

Goobjoog News